1578 Views

Rutu: “300,000 oo Somali ah ayaan ku celinnay dalkooda

Rutu: “300,000 oo Somali ah ayaan ku celinnay dalkooda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 24, 2018 –Madaxweyne ku xigeenka Dalka Kenya, William Ruto ayaa sheegay in ay Soomaaliya ku celiyeen 300,000 oo Qof oo Soomaali ah kuwaas oo ka mid ahaa dadkii ku jiray Dhadhaab.

Shalay Xerada Dhadhaab waxaa booqday Ruto iyo Aadan Barre Ducaale,waxaana uu halkaas kula hadlay dadka ku jira.

Isaga oo ka hadlayay kulan ay la yeesheen dadka ku jira Dhadhaab ayaa waxaa uu sheegay in Dadka Soomaalida ah ee iskood ugu laabtay Soomaaliya ay tiradoodu gaareyso saddex boqol oo kun oo Qof,kuwaas oo ka faa’ideystay heshiiskii UNHCR, Kenya iyo Soomaaliya ee Sanadkii 2013kii.

Mr Ruto,ayaa sheegay in dowladda Kenya ay xanaaneyn doonto 200,000 oo Qof oo wali ku jira Dhadhaab isaga oo Qaramada Midoobey ka codsaday in ay ka gacangeystaan sidii dadkaas dib loogu celin lahaa dalkooda.

Xarumihii Dugsiyada ee ay ka baxeen Dadka Baracayaasha ah ayuu sheegay in loo beddelayo Iskuullo jiif ah oo ay Gabdhaha wax ku bartaan iyo xarumo farsamo oo ay dadka ku bartaan xirfadaha shaqo abuurka iyo wixii la mid ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment