1497 Views

Tirada Tahriibayaasha Ku Haftay Badda Jabuuti Oo Sii Korortay

Tirada Tahriibayaasha Ku Haftay Badda Jabuuti Oo Sii Korortay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 31, 2019 —Maydadka 52 qof ayaa la sheegay in laga helay Badda Jabuuti, halka weli la la’ yahay Tahriibayaashii kale ee la socday 2 dooni oo ku degtay meel ka baxsan Xeebaha Jabuuti.

Ilaa 16 qof ayaa la sheegay in laga soo badbaadiyey masiibadaasi, iyadoo ay Hay’adda Socdaalka Caalamiga ee IOM sheegtay inay Tahriibayaal Soomaali iyo Ethiopian ah la socedeen Doonyahaasi ku sii jeeday dalka yemen.

Kooxaha Gurmadka ayaa la sheegay inay weli Tahriibayaasha lagu la’ yahay ka baadi-goobayaan Badad ka baxsan Xeebta Gobalka Obokh, halkaasi oo ay Tahriibayaasha horey uga ambabaxeen

Si kastaba ha ahaatee,Hay’adda IOM ayaa sheegtay in ugu yaraan 199 qof lagu la’ yahay labada dooni ee Talaadadii hore ku degtay Xeebaha Jabuut

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment