792 Views

Jabuuti oo Xabsi Guri ka dhigtay taliyeyaal looga shakiyay Afgembi

Jabuuti oo Xabsi Guri ka dhigtay taliyeyaal looga shakiyay Afgembi
____________________________________________________________________________

Dowladda Jabuuti ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay Xabsi guri ka dhigtay Taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Milateriga dalkaas, kuwaas oo looga shakiyay inay qorsheeynayeen inay si awood ah Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uga warewjiyaan xukunka dalka.

Sida ay cadeynayaan warar madax banaan oo lahelayo Taliyaha Ciidamada Milateriga Jabuuti Jen, Zakariye Sheekh Ibraahim & Taliyaha Booliska Korneyl, Cabdilaahi  Faarax ayaa ciidamada Nabadsugida iyo Ilaalada Madaxtooyada la dul-dhigay, kuwaas oo ka bixi karin Gurigooda.

Taliyaha Ciidamada Milateriga Jabuuti Jen, Zakariye Sheekh Ibraahim ayaa ciidankaas hogaaminayay ilaa markii xoriyada qaadatay Jabuuti, iyada oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar  Geelle uu ka welwelsan yahay in xukunka Jabuuti la dhaafiyo.

22 sanno wax kabadan ayuu Ismaaciil Cumar Geelle hayaa hoggaanka dalka Jabuuti, deyn badan ayaana lagu leeyahay, wuxuuna yahay dal u qaabeysan sida Shirkad gaar ah oo ay kuwada nool yihiin Qowmiyadaha Cafar iyo Soomaali.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post