1014 Views

Wasiirka Amniga Islow Ducaale oo dalka dib ugu soo laabtay

Wasiirka Amniga Islow Ducaale oo dalka dib ugu soo laabtay
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 15 |  2020
—Sii hayaha xilka Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo mudooyinkii lasoo dhaafay dalka dibadiisa ku maqnaa ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.

Wasiir Islow Ducaale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federalka iyo dadweyne kale.

Dalka dibadiisa ayuu ku maqnaa Wasiirka Amniga gaar ahaan wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta tan iyo markii xilka laga qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Munaasabada qado ahayd oo loo sameeyay soo dhoweynta sii hayaha wasiirka amniga Maxamed Abuukar Ducaale ayuu ugaga mahadceliyay dadkii ka qeybgalay soo dhoweyntiisa.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post