426 Views

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u diray ciidanka Xoogga Dalka

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u diray ciidanka Xoogga Dalka
____________________________________________________________________________


Isniin: April 11, 2022

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa hambalyo ku aadan munaasabadda 12-ka April u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa, dableyda, alifleyda, saraakiisha, saraakiil xigeennada iyo Xaasaskooda u diray hambalo ku aadan 62 sano sanaguuradii ka soo wareegatay aaska ciidanka xoogga dalka ee sanadkii 1960-kii oo ku beegay 12-ka bishan.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku booriyay  ciidanka xoogga dalka inay labo jibaaraan dagaalka ay kula jiraan cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post