1107 Views

Puntland oo Culimada ugu baaqday in ay faraha kala baxaan arrimaha siyaasada

Puntland oo Culimada ugu baaqday in ay faraha kala baxaan arrimaha siyaasada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-19–2019 —Cawil Sheikh Xaamid, Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha diinta ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ugu baaqay culimadu inay faraha kala baxaan arrimaha siyaasada, oo ay dowladda uga dambeeyaan.

 

Waxaa uu sheegay in aan Masaajida degaanada maamulka Puntland aan looga hadli karin Arrimaha Siyaasadda, islamarkaana Madaxda Puntland ay Shacabka doortay kuma tallaan wixii Siyaasad ah.

 

Wasiirka ayaa uga digay in loo adeegsado dano siyaasadeed oo lagu majara habaabinayo midnimada Puntland ayna doorkooda ku aadan ka shaqeynta nabad gelyada shacabka.

 

Qaar ka mid ah Culimadda ayaa sheegay in dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Garowe ee Masaajida looga hadlay Xaaladda Jubbaland in ay raalingalin ka bixinayaan.

 

Waxay sheegeen in ay mar walba u taagan yihiin midnimada iyo nabadgalyada Bulshada ayna kasoo horjeedaan wax kasta oo dhibaato ku ah wadajirka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment