2613 Views

Gudoomiye Yariisow & danjiraha Norwey oo xariga ka jaray qeyb lagu kordhiyey Isbitaalka Dayniile

Gudoomiye Yariisow & danjiraha Norwey oo xariga ka jaray qeyb lagu kordhiyey Isbitaalka Dayniile
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 14, 2018 – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan {Eng Yariisow} iyo Safiirka dowladda Norway ee Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah xariga ugu jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Deyniile ee Gobolka Benaadir.

Qeybtan cusub ayaa ah qeybta Sollar System-ka oo muhiim u ah howlaha Isbitaalka iyo adeegyada loo qabanayo Shacabka, waxaana looga maarmi doonaa ciladaha Matoorada iyo shidaalkii ku bixi jiray.

Dowlada Norwey ayaa gacan ka geysatay maalgelinta mashruucan lagu kordhiyey isbitaalka dayniile.

Munaasabada xarig jarka waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Mudane Cabdullaahi Xaashi, Xubno ka socda Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Tamarta ee Xukuumada Soomaaliya, Maamulka Degmada Deyniile iyo Maamulka gacanta ku haya Isbitaalka Guud ee Deyniile iyo Masuuliyiin kale.

cisbitalka-dayniile-1 cisbitalka-dayniile-2 cisbitalka-dayniile-6 cisbitalka-dayniile-11 cisbitalka-dayniile-4 cisbitalka-dayniile-5 cisbitalka-dayniile-3cisbitalka-dayniile-7 cisbitalka-dayniile-10 cisbitalka-dayniile-9 cisbitalka-dayniile-11 cisbitalka-dayniile-12 cisbitalka-dayniile-14 cisbitalka-dayniile-13 cisbitalka-dayniile-15 cisbitalka-dayniile-16 cisbitalka-dayniile-8

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment