1221 Views

Maxay ka wada hadleen Cali Guudlaawe & Ambassador Mohamed Bomba?

Maxay ka wada hadleen Cali Guudlaawe & Ambassador Mohamed Bomba?
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 04, 2021 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Calli Gudlaawe Xuseen ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxa Xafiiska Ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Ambassador Mohamed Bomba Mohamed ayaa ka wada hadlay xaaladaha guud ee Hirshabeelle iyo sidii Ururka Iskaashiga Islaamka uu u sii dardar gelin lahaa howlaha uu haatan ka wado dalka gaar ahaan shaqooyinka uu ka hayo Hir-Shabeelle.

Sidoo kale kulankaan ayaa looga hadlay fulinta mashaariicyo muhiim u ah bulshada oo isugu jira qodista Ceelal biyoodyo, hirgalinta Iskuulo waxbarasho iyo sidii kaalin ay uga qaadan lahaayeen xal u helida fatahaadaha wabiga Shabeelle ee kusoo noq noqday deegaanada Hirshabeelle.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post