537 Views

Gabar ay qoyskeeda qudha ka jareen India ka dib markii ay xiratay surwaal Jiinis ah

Gabar ay qoyskeeda qudha ka jareen India  ka dib markii ay xiratay surwaal Jiinis ah
____________________________________________________________________________

Khamiis: july 29 2021

Toddobaadkii la soo dhaafay, 17-jir lagu magacaabo Neha Paswan ayaa la sheegay inay garaaceen xubno ka tirsan qoyskeeda ee ku nool gobolka woqooyiga ee Uttar Pradesh taas oo u dhimatay jirdilkaasi. Waxaa la sheegay inaysan qoykeeda ku faraxsanayn inay xirato sarwaal jiinis ah.

Hooyadeed, Shakuntala Devi Paswan, ayaa u sheegtay BBC Hindi in gabadha yar ay si xun ul ugu garaaceen awowgeed iyo adeerradeed ka dib markii ay ku murmeen dharkeeda iyagoo ku sugan gurigooda oo ku yaal tuulada Savreji Kharg ee degmada Deoria, oo ka mid ah deegaannada ugu horumarsan gobolka.

“Waxay soomanayd maalin dhan iyadoo gudaneyso waajibaadkeeda diimeed. Galabkii waxay xirtay sarwaal jiinis ah waxayna sii wadatay cibaadadeeda balse xaaladda waxay is badashay markii ayeeyadeed iyo awoowgeed ay ka soo horjeesteen jiiniska ay xiratay, Neha ayaa ku jawaabtay in jiiniska loo sameeyay in la xirto,” ayay tiri hooyadeed.

“Doodda ayaa cirka isku shareertay, taas oo ay ka dhalatay rabshada ay Neeha nafteeda ku weysay,” ayay ku andacoonaysaa hooyadeed.

Shakuntala Devi ayaa sheegtay in gabadheeda ay miyir daboolantay, sodohdeed ayaa u yeeray gaari waxayna sheegtay inay isbitaalka u qaadayaan.

“Iima aysan ogolaan inaan raaco sidaa darteed waxaan ku wargaliyay ehelkayga oo aaday isbitaalka degmada iyagoo raadinaya gabadha laakiin ma aysan helin.”

Subaxdii xigtay, Shakuntala Devi waxay tiri, waxay qoyskayga maqleen in meydka gabar uu ka laalaado buundada webiga Gandak ee gobolka dhex marta. Markii ay baadigoobka aadeen, waxay ogaadeen inuu meydkaasi yahay kii Neha.

Booliska ayaa gudbiyay dacwad dil ah iyo bur burinta cadeymaha 10 qof, oo ay kujiraan Neha ayeeyadeed, adeeradeeda, eedooyinkeeda, iyo darawalka gaariga. Eedeysanayaasha ayaan wali wax war ah ka soo saarin dacwadda loo haysto.

Sargaal sare oo katirsan booliska oo la yirahdo Shriyash Tripathi ayaa u sheegay BBC Hindi in afar qof oo ay kujiraan ayeeyadeed, adeerkeed iyo darawalka gaariga la xiray oo su’aalo la waydiinayo. Wuxuu sheegay in booliska ay raadinayaan eedeysanayaasha haray.

Neha aabiheed Amarnath Paswan, oo maalintii ka shaqeeya goobaha dhismaha ee Ludhiana, oo ah magaalo ku taal Punjab, kuna soo noqday gurigiisa si uu ula tacaalo musiibada ayaa sheegay inuu si adag uga shaqeeyay inuu caruurtiisa oo ay ku jirto Neha u diro iskuulka.

Shakuntala Devi ayaa sheegtay in gabadhoodu dooneysay inay noqoto sarkaal booliis ah, laakiin “riyadeeda aan waligeed hadda rumoobi doonin”.

Waxay ku andacootay in sodohdeed iyo soddogeed ay cadaadis Neha ku saarayeen inay ka tagto waxbarashadeeda waxayna inta badan ku canaanayeen inaysan xiran wax aan ka aheyn dharka dhaqanka ee Hindida.

Neha waxay jeclayd inay ku labisato dharka casriga ah – laba ka mid ah sawirrada qoyskeedu la wadaagay BBC-da ayaa muujinayay iyada oo ku labbisan sawrwaal jiinis ah iyo jaakad.

Warbixinnada ku saabsan gabdhaha iyo haweenka da’da yar ee xubnaha qoyskooda ay si arxan darro ah u weeraraayaan ayaa dhawaan qabsaday bogagga hore ee warbaahinta dalka Hindiya. Dhacdooyinka ayaa sidoo kale toosh ku shidaya sida gabdhaha iyo haweenka uu badqabkooda khatar ugu jira iyagoo weliba ku sugan guryahooda.

Haweenka iyo gabdhaha ku nool magaalooyinka yar yar iyo baadiyaha Hindiya waxay ku nool yihiin nolol xadidan oo adag iyadoo madaxda tuulada ama aabayaasha qoyska ay inta badan ku amraan waxa ay xiranayaan, meesha ay aadayaan ama cida ay la hadlayaan, iyo talaabo kasta oo loo arko inay khaldan tahay, waxayna ku muteystaan ciqaab adag.

Dhibaatada loo geystay Neha ee ku aaddan xulashada dharkeeda waxay ka mid tahay weerarrada arxan darrada ah ee lagu soo warramey in gabdhaha iyo haweenka da’da yar ay xubnaha qoyskooda ka tirsan u geystaan.

Toddobaad kahor wararku waxay sheegeen in laba gabdhood ay si naxariis darro ah u garaaceen xubnaha qoyskooda ka dib markii la arkay iyagoo taleefanka kula hadlay nin ay ilmo adeer yihiin oo ku sugan degmada deriska la ah ee Dhar.

Muuqaallo laga soo duubay dhacdada ayaa muujinayay mid ka mid ah gabdhaha oo timaheeda la jiidaya, dhulka lagu tuurayo, laad iyo feerna ay la dhacyaan waalidkeed iyo ilmaadeeradeed, Ka dib markii uu muuqaalkaasi ku faafay baraha bulshada, booliska ayaa xabsiga u taxaabay toddobo qof.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post