1686 Views

Madaxweyne Gaas “Wada hadal kama galeyno colaada Tukaraq”

Madaxweyne Gaas “Wada hadal kama galeyno colaada Tukaraq”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 30, 2018 –Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa waxa uu sheegay in marnaba aysan wada hadal ka geli doonin dagaalka kala dhaxeeya maamulka Somaliland, kaasi oo ku aadan colaada ka taagan degaanka Tukaraq.

C/wali Gaas ayaa sababta uu wada hadalka u diiday waxa uu ku micneeyay inay tahay in ciidamada Somaliland ay gacanta ku hayaan degaano ay talin jirtay Puntland, ilaa degaanadaas ay ka saaraana aysan wada hadal geli doonin.

“Waad ogtahay nimanka marba marka ka dambeysa degaanadeena ayay ku soo duuleen, wada hadal ma imaanaya inta dhul Puntland ay leedahay heysato Somaliland, dhulka waa inay ka baxaan kadib ayaan wada hadal geli karnaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa Wasaaradda Kalluumeysiga ku eedeeyay wada shaqeyn la’aan, wuxuuna tilmaamay inuu khilaaf kala dhaxeeyo, kaasi oo la xiriira heshiiis horey loo wada gaaray.

“Maalin dhaw waxaanu gaarnay heshiis Kalluumeysiga ah, oo dhexmaray dowladda iyo xubnaha dowlad goboleedyada, nin baa jooga Wasiir ka ah Wasaaradda Kalluumeysiga oo dhib badan, hadii uu fulin waayo heshiiska annagana yeeli meyno, Badda ugu dheer ee loo Kalluumeysi tago waxaa iska leh Puntland.” Ayuu yiri Gaas.

Dad ka falanqeeya arimaha siyaasadda ayaa sheegaya in Madaxweynaha mamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) uu ku doonayo colaada Tukaraq inuu ku kororsado waqtigiisa oo waxyar un kaga haray.

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment