906 Views

Dad isku qoys ah oo u geeriyooday Guri kusoo dumay

Dad isku qoys ah oo u geeriyooday Guri kusoo dumay
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 8, 2019 | QOL |   –Qoyskaan guriga  uu kusoo dumay ayaa deganaa Guri ka sameysan Aqal Soomaali  oo ku hoos yaallay Guri Qadiimi ah oo ku yaalla Xaafada xaafada Birjeex ee degmada 31-ka May ee magaalada Hargeysa,gurigaas oo kamid ahaa Guryaha ay dhistay waa hore  Dowladda Ingiriiska.

 

Waxaa Guriga soo dumay ku geeriyooday Qoyska oo ka koobnaa Afar ruux oo kala ahaa Laba Caruur ah iyo Aabaha dhalay oo lagu Magacaabi jiray feysal Aadan Cabdi Diiriye iyo Hooyada dhashay Carruurta oo lagu Magacaabi jiray Hinda Aw Axmed.

 

 

 

Meydadka Qoyska Guriga kusoo dumay ayaa waxaa la geeyey Isbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa,waxaana Isbitaalka tegay Mas’uuliyin ka tirsan Soomaaliland.

 

Guddoomiyaha Gobolka Maroo-Jeex ee Soomaaliland ayaa sheegay in qoyska Guriga uu kusoo dumay ay sababtay,kadib markii uu Roob ka da’ay Magaalada,isla markaana ay geeriyoodeen Hooyo Xaamilo aheyd,laba Carruur ah oo ay dhashay iyo Aabaha Qoyska.

 

Taliyaha Ciidanka dam-demisaka Soomaaliland ayaa sheegay in marka xilliRoobka ah la gaaro ay dhacdo inay guryo badan dumaan,waxaana dadka uu ugu baaqay inay ka fogaadaana Guryaha qadsiimiga ah oo ay ku hoos nool yihiin.

 

Si kastaba marka la gaaro xilli roobaadka ayaa waxaa dhacda in dadka degan  Guryaha dhismahooda uu yahay kuwo qdiimi ah oo muddo hore la dhisay uu kusoo dumo,isla markaana ay ka dhashaan waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ah.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment