1224 Views

Weriyaha caanka ah oo ka tirsanaa teleefishinka CNN oo laga joojiyay shaqada kadib markii uu caawiyay walaalkii oo ah barasaabkii hore ee New York

Weriyaha caanka ah oo  ka tirsanaa teleefishinka CNN oo  laga joojiyay shaqada kadib markii uu caawiyay walaalkii oo ah barasaabkii hore ee New York
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 1, 2021

Weriyaha caanka ah ee ka tirsanaa teleefishinka CNN ayaa laga joojiyay shaqada kadib markii uu caawiyay walaalkii oo ah barasaabkii hore ee New York kaas oo loo heystay eedeymo la xiriiray tacaddiyo dhanka galmada ah.

Go’aanka ayaa yimid markii xeer ilaaliyaha guud ee New York uu soo saaray dokumentiyo muujinaya sida shaqadiisa ay saameyn ugu yeelatay xaaladda walaalkii Andrew Cuomo.

Andrew Cuomo ayaa bishii August xilka iska casilay markii dacwad oogayaasha ay sheegeen in uu tacaddi u geystay qof shaqaale u ahaa.

Weriye Chris Cuomo oo teleefishinka u warramaya ayaa waday dadaallo uu ku caawinayay ninkan siyaasiga ah ay walaalaha yihiin, waxaana lagu tilmaamay ninkan uu jebiyay xeerarka saxaafadda.

Sanadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii shaqada laga joojiyay shaqada weriyaha, waxaana laga mamnuucay in uu tebito wararka la xiriira walaalkii markii cudurka Karoona uu saameeyay New York, wuxuu horraan wareysi toos ah la yeeshay walaalkii, wuxuu ammaanay maamulkiisa xilliggii uu barasaabka ka ahaa halkaas.

Warbaahinta ayaa horey u difaacday Cuomo oo CNN kusoo biiray 2013 xilli uu muran ka dhashay dadaalladii uu ku caawinayay walaalkii oo ahaa nin awood leh

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post