1041 Views

Gudoomiyeyaashii hore ee Hiiraan iyo Cali Guudlaawe oo ku baaqay in doorashada la soo dedajiyo

Gudoomiyeyaashii hore ee Hiiraan iyo Cali Guudlaawe oo ku baaqay in doorashada la soo dedajiyo
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 15 |  2020
—Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen oo mudooyinki la soo dhaafay shaqo u joogay caasimadda Dalka ee Muqdisho ayaa maanta lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Jowhar  isaga iyo wafdi balaaran oo uu hogaamirayay oo isugu jira laba Gole ee Baarlamaanka Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin hore oo xilal uga soo qabtay Hirshabeelle

Guddoomiyeyaashii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar,iyo Cabdifitaax Xuseen Afrax oo soo dhaweynta wafdiga kadib la hadlay Warbaahinta ayaa waxay codsadeen in doorashada la soo dadajiyo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeele Sheekh Cismaan Barre iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Canab Axmed Ciise oo ka hadlay soo dhaweynta wafdiga Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa tilmaamay inay soo dhaweynayaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, isagoo xusay in socdaalkii uu ku joogay Muqdisho ay ku soo dhamaatay mid guul ah.

Cali Guudlaawe ayaa loo badanaya in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxtinimada maamulka Hirshabeelle.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post