1074 Views

Wasiirka Amniga Xundubey oo shir jaraa’id u qabtay Idaacada taageerta Dowlada waqtigeeda dhamaaday oo kaliya..

Wasiirka Amniga  Xundubey oo shir jaraa’id u qabtay Idaacada taageerta Dowlada waqtigeeda dhamaaday oo kaliya..
____________________________________________________________________________

 April 27-2021

Xili abaabul dagaal uu ka socdo Muqdisho loogana soo hor jeedo Dowlada waqtigeeda dhamaaday ayaa waxaa goor dhawayd Warbaahinta taageerta Dowlada waxaa la hadlay  Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey.

Wasiir Xundubey ayaa aflagaad  u geestay ciidamada kasoo horjeedo kuwa Dowladda Soomaaliya, waxa uuna ku tilmamay  ay leeyihiin dhaqan mooryaanimo kuwaas oo uu sheegay inay dhac iyo dil u geysanayan dadka Shacabka.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa sheegay in ciidamadaan ay dadka Shacabka ah ku qasbayaan inay guryahooda ka baxaan taasoo uu ku tilmaamay inay tahay arrin aan wanaagsaneyn.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa sheegay in xiisadda dagaal ee ka taagan Magaalada Muqdisho ee gabaad iyo fursad siineyso kooxda Al-Shabaab oo uu ku sheegay inay yihiin kuwa mar kasta ka faa’ideysto khalalaasaha.


Office Nairobi Kenya

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post