864 Views

Wiil Somali-Canadian ah oo ku guuleystay abaalmarin sanad walba mar la siiyo 30-ka qof ee ugu saameynta badan Canada

Wiil Somali-Canadian ah oo  ku guuleystay abaalmarin sanad walba mar la siiyo 30-ka qof ee ugu saameynta badan Canada
____________________________________________________________________________

Wiil Somali-Canadian ah oo lagu magacaabo Nabiil Cabdi Cali oo 28 jir ah ayaa dhawaan ku guuleystay abaalmarin sanad walba mar la siiyo 30-ka qof ee ugu saameynta badan Canada ee da’doodu ka yartahay 30-ka sano.

Nabiil, ayaa madax ka ah hay’ad ka shaqeysa barnamaijyada gargaarka iyo horumarinta oo loosoo gaabiyo (IDRF).

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo laga sameeyay Nabiil, wuxuu ahaa tan iyo yaraantiisii qof caawiya caruurta dhibaateysan ee ku jira xeryaha qaxootiga.

Hay’adda uu maamulo ayaa ka shaqo billowday Soomaaliya si ay u maamusho barnamaijyada horumarinta iyo bani’aadannimada ee dadka ay dagaallada iyo abaaruhu saameyeen.

Sidoo kale markii uu billowday cudurka safmarka ah ee COVID-19 wuxuu hay’adda IDRF ka caawiyay in dawooyin, cunto iyo biyo nadiif ah ay siiyaan dadka dhibaateysan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post