441 Views

Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, oo xildhibaannada la wadaagtay qorshooyin xilka looga qaadayo Madaxweyne Donald Trump

Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, oo xildhibaannada la wadaagtay qorshooyin xilka looga qaadayo Madaxweyne Donald Trump
____________________________________________________________________________

January 11, 2021

Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, Nancy Pelosi ayaa xildhibaannada la wadaagtay qorshooyin xilka looga qaadayo Madaxweyne Donald Trump kahor inta uusan bilaaban hannaanka xil ka qaadista.

Ms Pelosi ayaa sheegtay in codka la qaadayo maalmaha soo socda lagu doonayo meel marin qaraar ugu baaqaya Madaxweyne Ku Xigeenka Mike Pence inuu xilka madaxtinnimada uga qaado Mr Trump.

Dimuqraaddiyiinta ayaa kaddib Mr Trump ku soo oogi doona eedeymo kicin ah iyo doorkii uu ku lahaa weerarkii dhismaha Capitol.

Codka ugu horreeya ayaa maanta la qaadi doonaa.

Maalintii shalay ahayd, Ms Pelosi ayaa qorshaheeda u gudbisay xildhibaannada kaas oo si arsmi ah looga codsanayo Mr Pence inuu adeegsado wax ka beddelkii 25-aad, oo u oggolaanaya inuu noqdo sii haya xilka madaxweynaha isla markaana uu Aqalka Cad ka saaro Mr Trump.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post