906 Views

Shirka aan caadiga aheyn ee Madaxda IGAD oo ka furmay Jabuuti

Shirka aan caadiga aheyn ee Madaxda IGAD oo ka furmay Jabuuti
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 20, 2020 –Magaalada jabuuti ee Caasimadda wadanka Jabuuti gaar ahaan Hotelka Palace Kempinski ayaa waxaa ka furmay shir Madaxeedka dalalka IGAD, iyada oo Soomaaliya uu shirka uga qeyb-galayo Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaa,inayo.

Shirkaan oo ah kii 38aad ee aan caadiga ahayn ayaa Madaxda IGAD waxaa ay uga hadlayaan xaaladda guud ee dalalka IGAD, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saari doono khilaafka wadamada Soomaaliya iyo Kenya, xaaladda gobolka Tigreey ee dalka Ethiopia iyo saamaynta wadamada IGAD uu ku yeeshay xanuunka Covid-19.

Sidoo kale Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa khilaafka xoogeysatay ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, iyada oo laga jawaabayo dacwad ay Dowladda Soomaaliya u gudbisay Urur goboleedka IGAD.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo oo khudbad dheer ka jeedin doona shirka ayaa ka hadli doono xaalada Soomaaliya, khilaafka xoogeystay ee xilligan kala dhaxeeya Dowladda federaalka Soomaaliya Kenya iyo sameynta uu Cuudrka Coronavirus ku yeeshay Soomaaliya.

Madaxda kale ee dalalka IGAD ayaa si kulul waxaa ay uga doodi doonaan khilaafka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, iyaga oo dadaal farabadan ku bixin doona sidii xal looga gaari lahaa khilaafkaas.

Soomaaliya ayaa todobaadkii hore warqad astako ah oo ka dhan ah Kenya u dirtay Ra’iisal wasaaraha Sudan Cabdalla Xamduuk oo xilligan ah gudoomiyaha IGAD, taas oo ay ka dhalatay in la qabto shir deg deg ah oo arrintan iyo xaaladaha kale ee wadamada IGAD dhexdooda ka jira looga hadlayo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post