1017 Views

Nin hubeysnaa oo dil ka geystay Jowhar

Nin hubeysnaa oo dil ka geystay Jowhar
____________________________________________________________________________


Talaado: March 29, 2022

Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle, waxaa lagu dilay Allah ha unaxariistee Wiil yar oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Sheekh Cismaan.

Dilka wiilkaan ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay Nin ku labisnaa dharka Ciidanka Dowladda kaas oo watay qoreyga AK47, isagoo wiilka ku dilay bartamaha Magaalada  Jowhar.

Marxuumka la dilay ee Cabdiraxmaan waxaa ay da’diisu ahayd  14-jir, wuxuuna ka mid ahaa ardayda wax kabarata dugsiga Hoose dhexe ee Sheekh Xasan Barsane.

Sida ay goob joogayaal ay sheegeen dilka Wiilka yar ayaa timid, kadib markii Ninka hubeysan uu damac ka galay Mobile uu watay wiilka, ugu dambeyn uu wiilkii yaraa nafta dhaafiyay si uu teleefanka ugu qaato, isagoo markii dambe goobta uu dilka ka geystay ka baxday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post