789 Views

Dalalka Khaliijka oo soo jeediyey dalab ku saabsan wada-hadallada Iran

Dalalka Khaliijka oo soo jeediyey dalab ku saabsan wada-hadallada Iran
____________________________________________________________________________

Dalalka Khaliijka ayaa Arbacadii sheegay inay halis noqon doonto in wada-hadallada quwadaha caalamka ay kula jiraan Iran ee barnaamijkeeda nukliyeerka laga reebo banraamijka gantaallada iyo “dhaqanka xasilooni darrada ah” ee Tehran, waxayna mar kale ku celiyeen inay wada-hadallada qeyb ka noqdaan.

Dalalka ugu awoodda badan caalamka iyo Iran ayaa waxaa Sabtdii Vienna ugu billowday wareeggii lixaad ee wada-hadallada la doonayo in dib loogu soo nooleeyo heshiiskii 2015 laga gaaray barnaamijka nukliyeer-ka Iran, kaasi oo ay ka horyimaadeen Sacuudi Carabiya iyo xulufadeyda, islamarkaana Mareykanka uu ka baxay 2018.

Tehran ayaa diiday isku day kasta oo arrimo kale loogu darayo heshiiska, kaasi oo ay ku ogolaatay inay xakameyso barnaamijkeeda nukliyeerka, ayada oo ku beddelaneysa in laga qaado cunaqabteynada saaran.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa doonaya inuu dib usoo celiyo heshiiska oo uu ka baxay madaxweynihii ka horreeyey ee Donald Trump.

Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Dalalka Khaliijka ayaa ku booriyey quwadaha caalamka inay xaqiijiyaan heshiis wata xanibaado xooggan iyo waqti fog, ayna “ku xiriiriyaan tallaabooyin lagu dhisayo is-aaminaad,” si looga hortago in gobolka uu ka dhaco tartan dhinaca hubka ah.

Bayaan ay soo saareen kadib kulan ay ku yeeshee, Riyadh, waxay ku sheegeen in dalalka Khaliijka ay tahay in laga qeyb geliyo wada-xaajoodyada lala leeyahya Tehran, ayna diyaar u yihiin “inay ka wada shaqeeyaan in si dhab ah oo wax ku ool ah ay ula macaamilaan diiwaanka nukliyeerka Iran, ayada oo lagu saleynayo dhowrista iyo madax-banaanida iyo daris wanaagga.”

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post