855 Views

Booliska Soomaaliya oo sheegay in xabsiga la dhigay ciidamo ku dagaalamay Marka

Booliska Soomaaliya oo sheegay in xabsiga la dhigay ciidamo ku dagaalamay Marka
____________________________________________________________________________

Isniin:April 11, 2022

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa war kasoo saaray dagaal shalay ku dhex maray Magaalada Marka ciidamo ka wada tirsan kuwa NISA, iyadoo dagaalkaas uu ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laamaha ammaanka gacantooda ay ku jiraan Askar ka tirsan kuwii shalay isku rasaaseeyay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Askartii dagaalamay ay ku jiraan Xarunta dambi baarista ee CID-da islamarkaana ay ku wareejin doonaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida si ay u billowdo dhageysiga Maxkamadeyn tooda.

Afhayeen Cabdifitaax Aadan ma uusan sheegin tirada askarta ay gacanta kusoo dhigeen, balse wuxuu tilmaamay in ragaas ay ku socoto baaris qoto dheer.

Sidoo kale, wuxuu Ciidamada dowladda uu u diray fariin digniin ah taas oo la xiriirta in  hubkooda u adeegsadaan Aano qabiil, balse ay muhiim tahay in si Nabadgalyo ah lagu wada noolaado, isagoo tilmaamay in  xilligaan aan la aqbaleyn in la isku dilo aanooyin qabiil taas oo laga soo gudbay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post