1305 Views

Weriyeyaal lagu xiray Uganda

Weriyeyaal lagu xiray Uganda
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 8, 2019 –Booliska dalka Uganda ayaa cassimadda Kampala xabsiga ugu taxaabay koox weriyaal ah oo ka tirsan BBC-da.

Weriyashan oo la xiray habeenkii Arbacada aheyd waxaa ay baaritaan ku sameynayay sida sharci darrada ah ee loo iibinaya dawooyiinka dowladda ay ugu talagashay xarumaha caafimaadka.

Afhayeenka dowladda Uganda ayaa codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo si daayo saxafiyiinta,sida laga soo xigtay wakaalada wararka ee Reuters.

Dhanka kalebayaan kasoo baxay BBC-da ayaa lagu sheegay inay la xirireen laamaha dowladda ay arrintan khuseeyso, waxaa ay ka dhawaajiyeen inay ka shaqeynayaan sidii ay arrinta uga salgaari lahaayeen.

”Waxa aan la yaabanahay sababta ka dambeysay in booliska ay xiraan weriyaashan, sida aragtideydu ay tahay, waxay dowladda ka caawinayeen inay daaha ka qaadan musuqa ka dhex jiray xukuumadda,  waa in si shuruud la’aan ah loo sii daayo, ” Afhayeenka dowladda Uganda Ofwono Opondo ayaa wakaalada wararka ee Reuters sidaasi u sheegay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment