600 Views

Harry Kane “ Ma tihiin England mana idin rabno hadada Cunsuriyeeysan Rashford, Jadon Sancho iyo Bukayo Saka

Harry Kane  “ Ma tihiin  England  mana idin rabno hadada Cunsuriyeeysan  Rashford, Jadon Sancho iyo Bukayo Saka
____________________________________________________________________________

Talaado: July 13,  2021

Kabtanka xulka Ingiriiska Harry Kane ayaa ka hadlay midabtakoorka ka dhanka ah saddexda ciyaartooy Marcus Rashford, Jadon Sancho iyo Bukayo Saka.

“Ma tihiin tageeraayasha England, mana idiin rabno” ayuu yiri Kane oo u jawaabayay dadka ka dambeeyay falalkaas.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Waxay mudan yihiin in la taageero balse ma ahan in lagula kaco cunsurinimo”

“Haddii aad qof ku xadgudubto adiga oo isticmaalaya baraha bulshada ma tihid taageere England mana ku dooneyno .” Ayuu raaciyay.

“Ciyaartooyda xulka Ingiriiska waxay mudan yihiin in loogu yeero halyeey balse ma ahan in cunsurinimo lagula kaco iyadoo loo maraya baraha bulshada” ayuu yirii Ra’iisul Wasaaraha UK.

Dhanka kale xiriirka kubadda Cagta Ingiriiska ayaa sheegay inay garab taagan yihiin ciyaartooyda dhibaatada loo geystay isla markaana waxay ku baaqeen in tallaabo adag laga qaado dadka suurtagalka ay tahay inay ka dambeeyeen arrintaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post