606 Views

Maraykanka oo Ciidamadii ugu horreeyay xoojinaya Naato geeyay bariga Yurub

Maraykanka oo Ciidamadii ugu horreeyay xoojinaya Naato geeyay bariga Yurub
____________________________________________________________________________

Sabti: February 5, 2022

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa amray ku dhawaad 3,000 oo askari oo dheeri ah in la geeyo waddamada Poland iyo Romania si ay u bara taramaan gaashanbuurta NATO, iyadoo weli ay taagan tahay xiisadda Ukraine.

Waa ciidamadii ugu horreeyay ee Maraykanka uu geeyo Bariga Yurub iyo Jarmalka xilli ay ciidamada Ruushka ay ku sii dhawaanayaan xadka Ukraine.

Bayaan uu soo saaray, Afhayeenka u hadmay Maraykanka wuxuu ku sheegay inay xarun ka samayn doonaan Jarmalka si ay u taageeraan 1,700 oo ka mid ah ciidamadooda oo la doonayo in loo diro Poland.

“Kuwani waa kuwii ugu horreeyay ee 2,000 oo askari ah oo Yurub yimaada ka dib markii Pentagon-ka uu ku dhawaaqay in ciidamo dheeraad ah oo ka imanaya Maraykanka una guuraya Yurub si ay u taageeraan xulafadeena NATO,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay millitariga Maraykanka.

Arbacadii, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu amar ku bixiyay ku dhawaad 3,000 oo askari oo dheeri ah in loo diro waddamada Poland iyo Romania si ay uga difaacaan Bariga Yurub haddii ay sii xoogeysato xiisadda Ukraine.

Sida laga soo xigtay wasaaradda gaashandhigga Maryakanka ee Pentagon-ka, ku dhawaad 1,000 ka tirsan shaqaalaha Mareykanka ee ku sugnaa magaalada Vilseck ee Jarmalka ayaa loo diri doonaa Romania.

Si katsaba, waxaa weli sii xoogeesanaya xiisadda ka taagan xadka Ukrain iyo Ruuska, waxanaa dowladda Moscow ay halkaas u dirtey 100,000 oo askari, waxaana ay ku hanjabtey in ay qaadi karto tallaabo militari haddii dalabkeeda aan la tixgalin, oo ah in NATO ay ballanqaado in aanay Xulafadheeda ku qaabileynin Ukraine .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post