1509 Views

Wararka SAWIRO:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Magalada Garoowe

Wararka SAWIRO:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Magalada Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 03, 2019 – Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal waxaa Goordhow gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen)

 

Garoonka Diyaaradaha Magalada Garoowe waxaa wafdiga kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo kuxigeenkiisa iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka Puntland.

 

 

Wafdiga Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Maanta tegay Garoowe ayaa qeyb ka ah Madax ka socota dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada oo berri Shir Wadatashi ah uu uga furmayo Magalada Garoowe.

 

Gelinka dambe ee Maanta ayaa sidoo kale la filayaa in Magalada Garoowe uu gaaro Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madax ka tirsan Dowlad Goboleedyada.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment