501 Views

Madaxweynaha Xasan oo la kulmay Xildhibaannada Beesha Murusade ee ka biyo diidsanaa ku dhawaaqista Wasiirada.

Madaxweynaha  Xasan oo  la kulmay Xildhibaannada Beesha Murusade ee ka biyo diidsanaa ku dhawaaqista Wasiirada.
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 1, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay Xildhibaannada Beesha Murusade ee habeen ka hor ka baaqsaday kulankii Xildhibaannada laga soo doorto Galmudug.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xildhibaanada beesha Murusade ayaa hore u saluugsana xulashada Madaxweynaha ee xubinta golaha wasiirrada ku meteli doona beeshaas oo ah Xasan Macallin, oo sida ay sheegeen aan lagala tashan.

Hase yeeshe kulanka maanta ayaa meesha looga saaray saluugaas, ayada oo lasoo warinayo in uu is afgarad ku soo dhamaaday.

Kulankaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaan hore Xasan Macalin oo lagu wado inuu ka mid noqdo Golaha Wasiirada la magacaabi doono, ahna qofkii diidmada ay ka timid markii hore.

https://055eaf422f8d3a194773b5df0b6135ed.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Ujeedka kulankaan iyo kuwa lamidka ahaa ee maalmihii dambe uu Xildhibaanada la yeelanayay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah sidii xildhibaanada loogu qanci lahaa Golaha Wasiirada lasoo magacaabayo oo codkooda kalsoonida ay u sii lahaayeen.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa laga soo xigtay inay socoto qaban-qaabadii u dambeysay ee munaasibada la filayo in looga dhawaaqo Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post