Sawirro:- Qodobo Laga Soo Saaray Shir Gudoonka Rugaha Ganacsiga Dalka Uga Socday Magaalada Garoowe

Muqdisho | QOL | May 03, 2019 Rugta Ganacsiga Qaranka, oo ah gole ay ku midaysanyihiin rugaha ganacsiga maamul goboleedyada iyo Rugta Ganacsiga Gobolka Banadir, waxaa Garowe ugu soo dhammaaday shir ay ku dhan yihiin guddoonka Rugaha Ganacsiga ee dalka. Shirkan oo soconayey bisha May 1–deeda ilaa 2–deeda, waxaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya rugaha loona horumarin lahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay. Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha oo ay xubno ka yihiin ganacsatada Somaliyeed noocyadooda kala duwan, waxaa ka go‘an horumarinta ganacsiga dalka. Sidaa darted, arrimaha shirkan xoogga lagu saaray waxaa ka mid ah suuq geynta wax–soo–saarka dalka, iyo sidii shirkadaha Soomaaliyeed uga qayb–geli lahaayeen carwooyinka iyo bandhigyada lagu qabto suuqyada heer gobol iyo heer caalamiba. Waxaa kale oo arrimaha shirka looga hadlay ka mida ahaa sida nidaamka dowladeed ee dalka (heer federal iyo mid maamul goboleed) iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha iskaga kaashan lahaayeen sidii ganacsatada Soomaaliyeed ay ula falgali lahaayeen nidaamka ganacsi ee heer caalami. Kadib wadatashi qoto dheer oo lagu falanqeeyey arrimaha kor ku xusan, waxaa hoggaanka Rugta ganacsiga Qaranka, Rugaha Maamul Goboleedyada iyo rugta ganacsiga Gobolka Banadir guddoomiyeen: 1. Mideynta noocyada shahaadooyinka rugaha ganacsigu bixiyaan sida :–B shahaadada unkidda (certificate of origin), shahaadada xubunimada shirkadaha, iyo cardka aqoonsiga rugaha. 2. In Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha iyo daneeyayaasha…