1026 Views

Hay’adda miina baarista oo gaadiid iyo agab kale ku wareejisay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

Hay’adda miina baarista  oo  gaadiid iyo agab kale  ku wareejisay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka
____________________________________________________________________________

May 19 2021

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka miina baarista UNMAS ayaa gaadiid iyo agab kale oo ciidan ku wareejisay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Taliye Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlay munaasabad kooban ayaa ka mahadceliyay gaadiidka iyo agabka kale ee lagu wareejiyay Taliska ciidanka xoogga dalka.

Talyaha ayaa sheegay in agabkan uu ka caawinayo howlagallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaasna ay baahnayeen.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in taliska iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ay kala dhexeyso wada shaqeyn dhow.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post