1083 Views

Mudaaharaadyo ka socda Koonfur Afrika Kadib gadood ka dhashay ardayda jaamacadaha

Mudaaharaadyo ka socda  Koonfur Afrika Kadib gadood ka dhashay ardayda jaamacadaha
____________________________________________________________________________

muqdisho /Qol/  March 11, 2021

Wararka ka imaanaya Dalka Koofur Afrika oo ah dalka koowaad ee afrika uu sida aadka ah u Haleelay Xanuunka Covid19 ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo banaannbaxyo waawayn oo looga soo hor jeedo maamulka jaamacadaha Dalkaasi.

Booliiska Koofur Afrika ayaa rasaas caag ah ku kala eryay arday jaamacadeed oo dhigayay dibadbaxyo ay kaga cabanayaan dib u dhac ku yimid lacagaha iyo is diwaangelinta jaamacadda.

Sidoo kale ArdaydaJaamacadda Witwatersrand ee magaalada Johannesburg ayaa mudaaharaadyada dhigayay tan iyo Insiintii, iyagoo xiray waddooyinka isla markaana abuurayay rabshado, iyaga oo ka cabanaya inaysan qeyb ka ahayn barnaamijka qaranka ee gargaarka dhaqaale ee ardayda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post