2454 Views

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Dhageysanaya Warbixinta Guddii Qalbi dhagax ay u saareen.

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Dhageysanaya Warbixinta Guddii Qalbi dhagax ay u saareen.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 18, 2017–Guddigaan ayaa ka koobnaa Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana loo xil saaray in ay xog kasoo gudbiyaan Dhiibistii Sarkaalka katirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed balse haatan xubin ka ahaa Ururka Xorreynta Ogadeniya ee ONLF.

23-Kii August ayaa C/Kariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo xilli uu ku sugnaa, waxaana la keenay magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya, Labo Ceshe kadib waxaa loo dhiibay Dowladda Itoobiya oo Muddo Baadi goobeysay.

Xiligii Qalbi dhagax loo gacan galinaye Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku maqnaa Fasax, Waxayna Xildhibaano badan ku maqlaaneen Gudashada Waajibaadka Xadka alle.

Bilihii September, October, iyo November ayaa dib udhacday in Golaha Shacabka la hor geeyo Kiiska C/Kariin Shiikh Muuse, waxayna Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya oo bishii September kasoo laabtay Fasaxooda waxay Magacaabeen Guddi soo gudbiya Kiiskaasi.

Guddiga ayaa maanta lagu wadaa in hor tagaan Baarlamaanka Soomaaliya si ay ugu gudbiyaan waxyaabihii ay kasoo Xariiqeen intii ay ku howlanaayeen Daba galka Kiiskaani.

Xukuumadda Soomaaliya kama Gamban Sheegista in ay Dhiibistay Qalbi Dhagax, waxayna Sheegtay in uu Halis ku ahaa Nabadda Soomaaliya iyo Itoobiya sida ay sheegtay, waxayna Tibaaxday in uu jiro Heshiis Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhaxeeyo oo ah in ay iska kaashadaan isku dhiibista dadka qalalaasaha ka wada labada dal sida ay sheegtay Xukuumadda.

Waxayna Ururka uu ka tirsanaa ee ONLF loosoo gaabiyo ku dartay Ururada waxa loogu yeero Argagixisada, waxayna si cad u sheegtay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre in ururkaas uu la shaqeeyo Al-Shabaab, waloow Al-Shabaab ay iska fogeeyeen in ay Xiriir la leeyihiin Qalbi Dhagax iyo Jabhadda uu katirsan yahay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankooda Maanta noqonaya Dhageysiga Guddiga, kadibne ka doodi doono sida lagu cadeeyey Fariinta wargelinta Kulanka ee Xildhibaanada loo diro kahor Kulankooda.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment