1440 Views

Khudbadaha Musharaxiinta KGS Oo Maanta Bilaaban Doonta

Khudbadaha Musharaxiinta KGS Oo Maanta Bilaaban Doonta
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 16, 2018 –Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay in Maanta oo ay taariikhdu tahay 16-ka bishaan ay bilaaban doonoto Khudbad jeedinta Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in ay hortagaan Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi,isla markaana ay horjeediyaan Khudbado ay kaga hadlayaan waxqabadkood ku aadan markii xilka ay qabtaan.

Khudbad jeedinta Musharaxiinta ayaa waxa ay ku egtahay sida uu shaaciyay Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya maalinta Bbiri oo taariikhdu tahay 17-da Desember 2018.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ka dalbaday in dib loo dhigo Doorashada,Maadaama uu xiran yahay mid kamid ah Musharaxiinta Koonfur Galbeed.

Sheekh Rooboow Cali Abuu Mansuur oo kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa labo maalin kahor Ciidamada Itoobiya ay ka soo xireen Magaalada Baydhabo,isla markaana la keenay Magaalada Muqdisho.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa loo qorsheeyay in ay dhacdo 19-ka bishaan oo ku beegan Arbacada soo socota.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment