1017 Views

Kenya ma sidii dal ayay ula macaamilee Somaliland ?

Kenya ma sidii dal ayay ula macaamilee Somaliland ?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 28, 2019-Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau ayaa shalay magaalada Nairobi ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamed.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay danaha ay wadaagaan iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dal sida lagu qoray barta Twitter-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya.

Hase ahaatee Wasiiradda Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma ayaa wareysi ay siisay BBC ayaa waxaa laga weydiiyay Mowqifka Kenya ee ku aadan Somaliland.

“Mowqifka Kenya ee Somaliland waxaa uu la mid yahay kan Midowga Afrika waan ixtiraamsanahay xuduudaha Afrika, sida ku xusan go’aankii Midowga Afrika ee 1964, dano ayaa ka leenahay dalal badan, ka hor inta aysan dal noqon Suudaanta Koofureed wakiil ayaa Kenya u joogay, dal ceynkaas ayaa nahay, dalal badan ayaa wakiilo ku leenahay, taasi ma waxay ka dhigan tahay inaan la macaamilin, waan la macaamileynaa”ayay tiri Monica Juma.

Kenya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay xiriir dhow la yeelaneysay Somaliland oo horay ugu dhawaaqday inay tahay dal madax banaan, waxaana tallaabadaas loo arkaa culeys siyaasadeed oo ay Kenya ku saareyso Soomaaliya oo xiriirkooda diblomaasiyadeed uu heerkii ugu xumaa gaaray.

Wafdi ka socda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa labadii bil ee la soo dhaafay tagay magaalada Nairobi, iyadoo sida la sheegay ay martiqaad ka heleen dowladda Kenya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment