759 Views

Doorashada laba kursi oo ka bilaabatay Beledweyne

Doorashada laba kursi oo ka bilaabatay Beledweyne
____________________________________________________________________________


Arbaco: March 23, 2022

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaa goordhow ka bilaabatay doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee BFS, kuwaas ee deegaan doorashadooda tahay  magaaladaas.

Kuraasta doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Beledweyne maanta ayaa kale ah HOP#063 & HOP#011.

Guddiga ayaa guud galay haatan doorashada kursiga Hop#063, kaas oo ay ku tartamayaan musharixiin dhowr ah oo gaaraya 8 rag ah iyo hal dumaraa, iyadoo uu ku jiro musharixiintaas xildhibaankii hore ugu fadhiyay kursigaas Cabdullaahi Goodax Bare sidoo kalena hore usoo noqday Wasiirkii Waxbarashada Soomaaliya.

Doorashada kursiga Hop#063 ayaa ah mid tartankiisu uu yahay mid adag, maadama ay shalay isku diiwaangeliyeen musharixiin dhowr ah kuwaas oo raba in ay ku guuleystaan, lama oga cida ay kusoo bixi karta kursigaas.

Shalay ayey ahayd galinkii dambe markii Guddiga doorashada Hir-shabeelle ay shaaciyeen in dib loo dhigay kuraastaan maanta la dooranayo, kadib markii ay u sababeeyeen duruufo jiro awgeed, Sidaa daraadeedna doorashada kuraastaas dib loogu dhigay maanta oo Arbaco ah 23/03/2022.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post