741 Views

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo la kulmay Wafdiga Qatar

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo la kulmay Wafdiga Qatar
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Maanta waxaa uu Magaalada Muqdisho  kula kulmay Ergeyga gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar Dr. Mutlaq AlQahtani,.

Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimaha doorashada, siyaasadda iyo iskaashiga labada dal, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed.

Waxa aan la kulmay ergeyga gaarka ah  ee Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar Dr. Mutlaq alQahtani, waxa aannu ka wada hadalnay arrimaha doorashada, siyaasadda iyo iskaashiga labada da ayuu yiri” Mahadi Guuleed.

Ergeyga gaarka ah  ee Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar Dr. Mutlaq alQahtani oo todobaadkaan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu la kulmay, Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Guddoomiyeyaasha labada Aqal, Maamulka Gobolka Banaadir, qaar kamid ah Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada & Midowga Musharixiinta.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post