1002 Views

Ciidamada oo gacanta ku dhigay Madaxii howlgelinta Al-Shabaab gobolka shabeelada Hoose

Ciidamada  oo gacanta ku dhigay Madaxii howlgelinta Al-Shabaab gobolka shabeelada Hoose
____________________________________________________________________________

Isniin: july 26 2021

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Hoose  ayaa sheegaya in Ciidamada xooga dalka ee ku sugan halkaas  ay gacanka ku dhigeen  dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab kadb howlgal ay ka sameeyeen gobolkaasi.

 
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Madaxii howlgelinta Al-Shabaab ee u qaabilsanaa gobolka shabeelada Hoose,. kaas oo lagu magacaabo Cali Maxamed Aadan.

Ciidamada xoogga ayaa howlgalka si gaar ah ugu fuliyay deegaan lagu magacaabo Janaale oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

sidoo kale  ciidamada xoogga ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Awdhiigle ee gobolka shabeellada hoose.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post