1020 Views

Ruushka oo xiray dad qorsheeynayay weeraro

Ruushka oo xiray dad qorsheeynayay weeraro
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 17 2021–
Wakaaladda wararka Ruushka ee TASS oo soo xiganeysa laamaha Amniga Ruushka ayaa sheegtay inay xireen 19 dagaalyahan oo looga shakisan yahay inay qorsheynayeen weeraro ka dhaca Waqooyiga Caucasus.

Hay’addaha amniga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen suunka loo adeegsado Qaraxyada iyo hubka darandooriga u dhaca oo ay gacanta ku hayeen tuhmanayaashan.

Waxaa xusid mudan in bishii Diseembar ee sanadkii hore, maamulka ladagaallanka argagixisada ee Ruushka ay sheegeen in ugu yaraan lix xubnood oo ka tirsan ciidammada amniga ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay meel u dhow xarunta dhexe ee Amniga ee koonfurta dalkaasi Ruushka.

Guddiga Qaran ee La dagaallanka Argagixisada ee ayaa ku warramay in qof aan la aqoonsan uu isku dayay inuu xoog ku galo goob ay xubno ka tirsan booliska ka wadeen baaritaanno amni.

Guddiga  ayaa tilmaamay in qofkaasi is qarxiyay, ka dib markii uu xoog ku galay goobtii uu baritaanka ka socday.

Qaraxan ay ku dhaawacmeen Ciidamada ayaa waxuu ka dhacay meel u dhow xafiiska sirdoonka  iyo Nabadsugida Ruushka ee Oshkekin.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post