426 Views

Dadka deegaanka oo Al-shabaab kala wareegay tuulooyin hoos yimaada Baxdo

Dadka deegaanka oo Al-shabaab kala wareegay tuulooyin hoos yimaada Baxdo
____________________________________________________________________________

.

Arbaco: SEPTEMBER 7, 2022

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ay dadka deegaanka oo garabsanaya Ciidanka Ammaanka Dowladda ku qaadeen deegaanka Dhuumoodle oo hoos yimaada degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobihii lagu dagaalamay ay la wareegeen dadka deegaanka, isla markaasna Shabaabkii ay baxeen dhinaca deegaanka Xiindheere.

Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dagaalka ka dhashay, balse lama oga inta uu la egyahay, maadaama goobta xaaladda weli degin.

Dhinaca kale, deegaannada hoos yimaada Degmada Baxdo waxaa ka socda Abaabul ka dhan ah Al-shabaab, kaasi oo looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin halkaasi.

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post