276 Views

Haramcad u dhacay maxkamad magaalo u dhow caasimadda Hindiya ee New Delhi, waxaana uu dhaawacay ugu yaraan shan qof

Haramcad u dhacay maxkamad magaalo u dhow caasimadda Hindiya ee New Delhi, waxaana uu dhaawacay ugu yaraan shan qof
____________________________________________________________________________

Axad: February 12, 2023 

Haramcad ayaa u dhacay maxkamad magaalo u dhow caasimadda Hindiya ee New Delhi, waxaana uu dhaawacay ugu yaraan shan qof, sida ay booliisku sheegeen.

Muuqaal laga duubay dhacdadan oo qabsaday baraha bulshada ayaa muujinaya dhowr nin oo ku dhaawacmay weerarka, oo uu ku jiro nin dhaawaciisa liitay oo laga qaaday maxkamadda magaalada Ghaziabad.

Booliis xiran dhanka difaaca jirka ayaa shabaq u dhigay halkaasi si ay u qabtaan Haramcadka galay gudaha maxkamadda, sida uu muujinayo muuqaal ay heshay AFP.

“Haramcadka ayaa ku soo booday dhismaha maxkamadda, waxaana dhaawacmay shan illaa lix qof,” ayuu sarkaal ku sugan saldhigga booliiska deegaankaasi u sheegay AFP, isagoo diiday in uu magaciisa sheego.

Ghaziabad oo ku taal cirifka bari ee magaalada New Delhi ayaa ku dhow dhul kayn ah oo uu Haramcadku ku badan yahay.

Ugu yaraan 12,000 oo Haramcad ayaa ku nool guud ahaan Hindiya.

Haramcadka ayaa Ururka Caalamiga ah ee Ilaalinta Duurjoogta (IUCN) waxa uu ku sifeeyaa nooc nugul oo ka mid ah duurjoogta.

Saraakiisha ayaa sheegay in celcelis ahaan, hal Haramcad maalin kasta la dilo marka uu galo goobaha ay dadku ku nool yihiin ee Hindiya, iyadoo tirada dhacdooyinka noocan ah ay kor u kaceen, taasi oo ay ugu wacan tahay baaxadda dhulka keymaha oo sii yaraanaya.

AFP

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post