663 Views

Shirkadda ammaanka badda oo ku dhawaaqday in burcadbadeedda ay afduubteen markab Konteenaro

Shirkadda ammaanka badda oo ku dhawaaqday in burcadbadeedda ay afduubteen markab Konteenaro
____________________________________________________________________________


Talaado: December 14, 2021

Shirkadda ammaanka badda ee Dryad Global ayaa ku dhawaaqday in burcadbadeedda ay afduubteen markab Konteenaro siday oo marayay meel u dhow xeebaha Equatorial Guinea.

Shilkan ayaa ka dhacay biyaha gacanka Guinea oo koonfur bari ka xiga dekedda Lobo ee dalka Equatorial Guinea.

Shirkadda ayaa tilmaantay in burcad-badeedda ay xireen 6-shaqaale ah oo markabka la socday, sida ay sheegayaan xogta hordhaca ah.

Mareegta ay shirkaddu leedahay ayaa intaa ku dartay in tani ay tahay dhacdadii tobnaad ee nooceeda ah ee sanadkan 2021-ka, taas oo lagu qafaashay 76 badmaax ah.

Gacanka Guinea ayaa ah mid ka mid ah meelaha ugu khatarta badan ee marin badeedka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post