930 Views

Shiinaha oo beeniyey tijaabada gantaalaha xambaara hubka Niyukliyeerka

Shiinaha oo beeniyey tijaabada gantaalaha xambaara hubka Niyukliyeerka
____________________________________________________________________________

Arbaco: October 20, 2021

Shiinaha ayaa beeniyey wararka sheegaya iney tijaabiyeen gantaal nooca guuxiisa ka dheereeya ah, oo awood u leh inuu xambaaro hubka wax gumaada ee Niyukliyeerka horraantii sanadkan.

Taasi badalkeeda waxey ku adkeysteen in tijaabadii ay sameeyeen ay aheyd hubinta caadiga ah ee Dayax gacmeed ay sameeyeen.

Warbixinta ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu daabacey wargeyska Financial Times, iyadoo walaac ku abuurtey maamulka Washington, halka la sheegay in sirdoonka Mareykanka ay tan ku noqotey filan waa.

Gantaallada nooca loo yaqaano Hypersonic-ga, ayaa ah gantaallo aad uga dheereeya kana degdeg badan kuwa caadiga ah, taasoo sidoo kale la micna ah inaaney qaban karin raadaarada wax basaasa.

Tallaabadani u danbeysay, ayaa kusoo beegantey xili walwal weyn laga qabo awoodaha Niyukliyeerka ee Shiinaha ee isa soo tareysa.

Isniintii, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, Zhao Lijian, ayaa ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtey, in tijaabadii la sameeyey bishii July, ay aheyd hubinta noocyo kala duwan oo Dayax Gacmeedyada hawada ah.

Isagoo hadalka sii wata, afhayeenku wuxuu intaa ku darey in wixii tijaabada lagu sameeyey aanu aheyn gantaal, balse uu ahaa Dayax Gacmeed.

Tijaabadaasi ayuu Zhao ku tilmaamey mid muhiimaddeeda gaarka ah u leh, iyadoo lagu yareynayo waa sida uu sheegaye qiimaha qarashka uu isicmaalo Dayax Gacmeedka.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post