1731 Views

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Iyo Madaxweynaha Jabuuti Oo Kulan Yeeshay

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Iyo Madaxweynaha Jabuuti Oo Kulan Yeeshay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 29, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya Abiy Axmed oo shalay gelinkii dambe gaaray dalka Jabuuti ayaa waxa uu la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulankaan ayaa xalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyada dalka jabuuti, waxaana labada dhinac ay kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii dowladda Jabuuti xiriir Wanaagsan ula sameyn laheyd ra’iisul Waasaaraha Cusub ee dalka itoobiya Abiy Axmed.

Inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti Abiy Axmed ayaa waxa uu booqan doonaa xarumo ku yaalla gudaha dalkaasi Jabuuti.

.

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment