687 Views

Madasha Xisbiyada Qaran oo kasoo horjeesatay qaabka loo soo xulayo xildhibaanada gobollada Waqooyi

Madasha Xisbiyada Qaran oo kasoo horjeesatay qaabka loo soo xulayo xildhibaanada gobollada Waqooyi
____________________________________________________________________________

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta war-saxaafadeed ay soo saartay ku muujisay mowqifkeeda ku aadan doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi (Somaliland) ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, xili uu maalmihii u dambeeyay hadheeyay khilaaf xoogan.

Madasha ayaa sheegtay inay adkayneyso ahmiyada iyo qiimaha ay siyaasiyiinta gobolada waqooyi ugu fadhiyaan dowladnimada dalkeeda, isla markaana ay rabto in hanaan hufan oo raali lagu wada yahay loo hirgeliyo doorashada xubnaha goboladaasi.

Waxay si cad garab istaag ugu muujisay Madashu waraaq uu dhawaan soo saaray guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi, kaasi oo ku dalbanayay inuu magacaabo xubnaha guddiyada doorashada ee gobolada waqooyi, isla markaana uu kaga hor imanayey hanaankii lagu go’aamiyey heshiiskii Muqdisho ee doorashada 2020/2021.

Madasha ayaa si adag uga digtay in hanaan aan loo mideysneyn ay jideeyan madaxda dalku, iyadoona soo jeedisay in hanaanka doorashadaasi lagu saleeyo habraacyadii meel-marka ahaa ee lagu galay doorashadii dad-baneyd ee 2016-kii.

“Waxaan cadeyneynaa in guddoomiyaha aqalka sarre ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu yahay mas’uulka ugu mudan xagga sharciga iyo nidaamka federaalka labadaba inuu magacaabo xubnaha guddiyada doorashada ee gobolada waqooyi, maadaama uu yahay siyaasiga ugu maamuuska sarreeya ee la doortay, hogaamiyana siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolladaas, isla markaasna hadda ah guddoomiyaha aqalka sare ee BFS” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha.

Waxa kale oo war-saxaafadeedkaasi lagu yiri “Madashu waxay ugu baaqeysaa madaxda labada heer dowladeed in ay si wadajir ah u dhameystiraan wadar-ogolka hirgelinta hanaanka doorashooyinka 2020/2021 lagana fogaado waxkasta oo ku keeni kara muran iyo isqab-qabsi doorashooyinka loo madlan yahay”

War-saxaafadeedkan maanta kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa isgarab istaag loogu muujiyay qoraal uu Guddoomiye Cabdi Xaashi u kala diray madaxweyne Farmaajo, ra’iisal wasaare iyo madaxda dowlad goboleedyada, kaasi oo uu ku dalbanayey inuu isaga soo magacaabo guddiga doorashada ee matalaya gobollada waqooyi.

Cabdi Xaashi ayaa qoraalkaasi ku sheegay in xukuumadda Soomaaliya aysan xaq u lahayn in magacowdo guddiga doorashada gobollada waqooyi, sida lagu qoray heshiiska doorashada ee ay gaaraan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, sababtuna ay tahay inaysan soo magacaabin xubnaha dowlad goboleedyada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post