102 Views

Wasiirka cadaaladda oo guddoomiyey kulanka ansixinta qorshe-sannadeedka mashruuca cadaaladda iyo Asluubta

Wasiirka cadaaladda oo guddoomiyey kulanka ansixinta qorshe-sannadeedka mashruuca cadaaladda iyo Asluubta
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Wasiirka wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka dowladda FS ayaa shir guddoomiyay kulanka ansixinta qorshe-sannadeedka mashruuca cadaaladda iyo Asluubta, oo ay ka soo qeybgaleen wasiirrada caddaaladda iyo agaasimeyaasha wasaaradaha cadaaladda dowlad goboleedyada dalka, hay’adaha garsoorka dalka, deeq-bixiyeyaasha, khubarada farsamo iyo saraakiisha mashruuca u qeysan iyo saaxiibbada caalamka.

Mashruucan ayaa diiradda lagu saarayaa dardargalinta dastuuraynta heshiiska siyaasadeed hannaanka garsoorka iyo Asluubta. 

Wasiirka aya uga mahadceliyay saaxiibbada caalamka taageeradooda, sidoo kalena carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’antahay xukuumadda FS daadajinta hannaanka garsoorka si dhamaan muwaadiniinta loo gaarsiiyo adeegyada cadaaladda, gaar ahaan deegaannada dhawaan khawaarijta laga xoreeyay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post