1209 Views

Ciidanka Itoobiya oo toogasho ku dilay lix ka tirsan militariga Suudaan

____________________________________________________________________________


Axad: November 28, 2021

Lix askari oo ka tirsana militarig Suudan ayaa Sabtidii lagu dilay weerar ay ciidammada Itoobiya ku qaadeen fariisin ay ciidamada Suudaan ku leeyihiin meel u dhow xuduudda u dhaxaysa dalalkaas, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen ilo-wareedyo militariga Suudaan ah.

Ciidamada Sudan ayaa war ay soo dhigeen bartooda Facebook ku sheegay in kooxo ka tirsan ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaad ay weerar ku qaadeen ciidamadooda ku sugan magaalada Al-Fashaga Al-sughra, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho.

Bayaanka militariga Sudan tafaasiil dheeraad ah kama bixin shilkan.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok ayaa Sabtidii sheegay inuu xilka ka qaaday Taliyihii Booliska, Sarreeye Guud Khaled Mahdi Ibrahim Al-Emam iyo ku xigeenkiisa.

Hamdok ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay in Sarreeye Guud Anan Hamed Mohammed Omar loo magacaabay taliyaha cusub ee booliiska, halka ku xigeenkiisana loo magacaabay Major General Muddathir Abd al-Rahman Nasr al-Din.

Reuters.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post