1056 Views

Musharax kale oo taageerey doorashadii Dhuusamareeb una mahad celiyey Dowladda

Musharax kale oo taageerey doorashadii Dhuusamareeb una mahad celiyey Dowladda
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Wehliye oo kamid ahaa Musharixiintii isku baheystay doorashada Galmudug ayaa taageeray doorashada ka dhacdey Maalin ka hor Magaalada dhuusamareeb una hambaleeyey Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo loo doortey Madaxweynaha Galmudug.

 

War-Saxaafadeed uu soo saarey ayaa waxaa uu kaga hadley marxalidihii dheeraa uu soo marey dhismaha galmudug iyo doorkii uu ku lahaa,isaga oo u mahad celiyey Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

 

Sidoo kale waxaa uu War-Saxaafadeedkiisa ku sheegay in uu ku hami weeynaa hadii la doorto uu wax badan u qabto Bulshada deegaannada Galmudug oo dhibaatooyin kala duwan wajahaya,hayeeshee uu ka Shaqeyn doono sidii khilaafka ka dhashay doorashada loo xalin lahaa.

 

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Wehliye

 

GALMUDUG la wada leeyahay baadi goobkeeda waxaan bilaabay April 2017 kadib markii aan la wareegey xilka Wasiirudowlaha Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta.

Dadaal dheer kadib waxaa Alle nagu guuleeyey aniga iyo intii igala shaqeysayba guulahaan :-

  1. Curintii, Abaabuulkii iyo hirgelintii heshiiskii Djibouti ee Galmudug iyo Aswj lagu mideeyey.

 

  1. Isku darkii baarlamaankii Galmudug iyo Aswj ee Dhuusamareeb.
  2. Heshiiskii DFS iyo Aswj ee Raysulwasaaruhu ku tegey Dhuusamareeb si loo yagleeli Galmudugta Cusub ee maanta.
  3. Isku dhafkii Ciidanka DFS iyo Galmudug/ASWJ.

In lagu guuleysto shaqooyinkaas waxaa suurta geliyey kana qeyb qaatay masuuliyiinta kala ah:-

  1. Madaxweynaha JFS

Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

  1. Raysulwasaaraha XFS

Mudane Xassan Cali Kheyre

  1. Wasiirkii Arrimaha Gudaha

Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa)

  1. Wasiirka Arrimaha Gudaha

Mudane Cabdi Maxamed Sabriye

  1. Wasiirkii Arrimaha Gudaha

Mudane Cabdisamad Macalim Maxamuud

  1. Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf
  2. Madaxa Xukuumadda Galmudug

Sh Maxamed Shaakir Cali Xassan.

  1. Hogaamiyaha Sare Aswj

Macalim Maxamuud Sh Xassan

  1. Xildhibaan Mahad Salaad
  2. Xildhibaanad Ubax Tahliil Warsame
  3. Wasiirkii Qorsheynta Galmudug

Mudane Cabdikaafi Qaaf

  1. Cali Yare Cali
  2. Aadan Cismaan Xusseen
  3. Maxamed Cabdixaliim.
  4. Urur Goboleedka IGAD.

Musuuliyiinta kor xusan waxaan uga mahad celinayaa doorkii ay ka qaateen dib u soo nooleenta Galmudugta cusub.

Intaas kadib waxaan kamid noqday musharaxiintii usoo istaagey xilka Madaxweynaha Galmudug 2020-2024, hase ahaatee masuuliyiintii Dowladda Dhexe iyo Gudoonka Baarlamaanka Galmudug waxaan ku kala fikir duwanaaney qaabka loo marayo Doorshada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, sidaas ayaana uga haray Doorashadii Galmudug ka dhacday 02-02-2020 ee lagu doortay Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Hadaba anigoo og wadadii dheereed ee loo soo maray isku keenista Galmudug, isla markaana ilaalinaya midnimada iyo wadajirka Galmudug waxaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug u cadeynayaa inaan soo dhoweynayo natiijadii kasoo baxday doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ee lagu doortay Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Daahir Ciid. Waxaan leeyahay Hambalyo, xilkana Allaha idinku asturo. Waxaana u balan qaadayaa inaan si buuxda ula shaqeyn doono Inshallah.

Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa madaxda la doortay iyagoo kaashanaya DFS, Saamileyda Siyaasada iyo Bulshada reer Galmudugba iney isku doonaan dhinacyada tabashooyinka qaba gaar ahaan ASWJ iyo Madaxweyne Xaaf si loo gaaro xal waara Galmudugna looga daba geeyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Waxaan mar kale si gaar ah ugu mahad celinayaa Raysulwasaaraha XFS dadaalkii aan qiyaasta laheyn ee uu geliyey Galmudug waxaan leeyahay mirihiisii waa la gaarey ee aan xajino Inshallah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment