426 Views

Maleeshiyada Al-shabaab ee ka dhex dagaalamayay

Maleeshiyada Al-shabaab ee ka dhex dagaalamayay
____________________________________________________________________________

 hotel Xayaat oo la soo gaba gabeeyay

Sabti: AUGUST 20, 2022

Rasaas goos-goos ah ayaa weliga laga maqlayaa Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, iyada oo ciidamada ammaanka ay weli dagaal kula jira maleeshiyada Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaadday hotelkaas ku yaalla agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho

ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarkan, halka oo tiro intaa ka badanna uu dhaawac kasoo gaaray, iyada oo laga soo badbaadiyay tiro kale oo carruuri ay ku jirto.

Ilaa hadda ma cadda tirada maleeshiyada Al-shabaab ee ka dhex dagaallamaya Hotelka.

Weerarkan oo ku biloowday laba qarax oo ka dhacay agagaarka hotelka ayaa waxaa markiibaa sheegtay Al-shabab.

Sidoo kale Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in la soo gaba gabeeyay Howlgalkaas oo qaatay in ka badan 1o saacadood

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post