1233 Views

C/QAASIM & TARTANKA MADAXTINIMADA: I DOORO AAN KU DAYACEE!!!

C/QAASIM & TARTANKA MADAXTINIMADA: I DOORO AAN KU DAYACEE!!!
____________________________________________________________________________

HORUDHAC:

Muqdisho | QOL | January 03, 2021–Marka la eego dhaqdhaqaaqa Madaxweynaha D.K.G.ah C/Qaasim Salaad Xasan, waxaa la dareemayaa inuu ku hawlan yahay sidii mar labaad loogu dooran lahaa jagada Madaxwene-nimo Soomaaliya. Goobaha ay Soomaalidu arimaha shirka uga hadlayaan, waxaa la isla dhex maraa in C/Qaasim uu si buuxda u damacsan yahay inuu dib u helo jagadaas. Inta hadda la ogyahay, waxaa magaalada Nairobi kusoo qulqulaya ergooyin farabadan oo ka tirsan D.K.G. ah, oo badankood ku mashquulsan iney diyaarina-yaan doorashada C/Qaasim, qaarkoodna deegaanno u gaar ah ayaa laga dajiyey Nairobi, si ay firaaqo ugu helaan abaabulka doorasho ee ololaha madaxtinimo, inkastoo uusan wali si rasmi ah ugu dhawaaqin mushraxnimadiisa.

MUXUU AHAA:

C/Qaasim wuxuu Siyaasada ku soo biiray isagoo da’yar, si xawli ah ayeyna u koreysay muuqaalkiisa Siyaasadeed, taasoo ay dad badani sabab uga dhigayeen xiriirkii gaar ahaaneed ee uu lalahaa M/S/Barre. Sabab kasta haku dhashee xiriirkaase, waxaa cadeyd inuu kalsooni iyo dhaga-nuglaanba ay ka dhaxaysa isaga Madaxweynihii dalka. Iyagoo aan marna iska hor iman isaga iyo Jaalle M/S/Barre ayuu dalkii burburay.

Jagoonyin kala duwan ayuu ka soo qabtay dowladaas, dhawr wasaaradood oo kala duwan ayuu ka soo shaqeeyey, oo ay kamid ahayd Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Warfaafinta. Iyo kuwa lamid ah. Dadkii xiligiisii la shaqaynayey hadaan waraysanay, waxay noo sheegeen in Wasaaradaha qaar uu sifiican xilkiisa u gudnayey, qaarka kalana uu si musuq-maasuq ah umaamulay. Waxaa intaa u dhereyd koorsooyin waxbarasho oo uu dalka dibadiisa ugu baxay si uu aqoon dheeri ah usoo helo.

C/Qaasiim haddii ay burburtay Dowladdii Soomaaliyeed, wuu ka dhoofay dalkii, isagoo naf lacarar ah ayuu dagay dibadaha. Qalbiga wuxuu kaqabay, iyo xiriir hoose mooyee, lamahayo tilmaan cad oo muujineysa inuu wax u fududeeyey Jabhadihii mucaaradka ahaa, wey jireen tuhumooyin sheegayey inuu taakulo siin jiray Jabahadii U.S.C. intuu ahaa wasiirka arrimaha gudaha.

XILLIGII BURBURKA:

Haddii dalkii kala tagay oo ahayd intii beelihii Soomaalidu isleeynayeen inta badan waa uu ka maqnaa dalka, inkastoo uu mararka qaarkood safaro ku tagi jiray magaalada Muqdisho, waana xiliyadii uu noolaa Jen Caydiid oo ay dadka qaar qabeen in Jananku uusan raali ka’ahayn in uu  dhaqdhaqaaq siyaasadeed sameeyo. Laakiin geeridii Caydiid kadib ayaa Soomaaliya dib looga dareemay inuu bilaabayo soc-socod Siyaasadeed, wuxuu saldhig deegaan kadhigtay Xamar, isagoo isku hawlay inuu dib-u-habeyn ku sameeyo Beesha Hawiye. Wuxuu abuubulay shir loo qabanayey beelaha Hawiye, kaasoo looga gun lahaa inay beeshaasi yeelato hogaamiye siyaasadeed iyo midnimo heer qabiil ah. Taasoo ay wax badani ka fuleen laakiin heerkii la higsanayey aan gaarin. Wuxuuna safarro Siyasadeed ku kala bixiyey Itoobiya, Jabuuti, iyo gobollo dalka qaarkood.

Sidoo kale wuxuu isu muujiyey inuu wadaadoobay, oo ay diintu gashay, wuxuuna xiriir si hoose ku bilowday asii banaanka usoo baxay la sameeyey ururadii Islaamiga ahaa ee ka jiray dalka qaarkood, oo iyaguna fursad weyn u arkayey inuu saaxiib la noqday nin bari ahaan jiray Wasiir. Waxaana dhabowday xiriirkaas oo markiisii hore ka yimid dhinaca C/Qaasim, inuu ahaa fursada kali ah ee uu markaas ku meel mari karay C/Qaasim. Taasoo ay wadaadii uu ku lugdarsadayna nasiib-xumo ay run uga qaateen. Waxaase lakala baxay xiligii doorashadii Carta oo la xaqiijiyey in xubnihii ururkaas ka galay barlamaanka aysan isaga u codeeyn sababtu waxay rabto ha’ahaatee.

HINDISIHII JABUUTI:

Nasiib wanaag waxaa bilowday hindisihii walaal-tinimo ee kasoo baxday Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle hindisahaas oo ay sheekadiisu dheer tahay. Wuxuu C/Qaasim kamid noqday ragga ugu firfircoon, wuxuuna u muuqday nin doonaya dowlad Soomaaliyeed, dadaallo qiime gal ah ayuu ku dhaqaaqay si uu shirku u hirgalo, guulihii uu ka keenay waxaa kamid ahaa: inuu beelaha Hawiye badankood ku qanciyey iney aadaan shirka uu marti galinayo Madaxweyne Geelle. Taasoo aad looga ajiibay. Mana’ahan wax la inkiri karo inuu qayb lixaad leh ka qaatay hirgalintii shirka.

DHISIDDII DOWLADA:

Nasiib wanaagga kale: waa tii ay Soomaali halkaas ku dhisatay Barlamaankii qaran, doorashadii la isku herdiyey ee sidii dimuqraadiga ahayd u dhacdayna waxaa uuna C/Qaasim ku guuleystay inuu noqday Madaxweynaha Soomaaliya. Meel kasta oo ay Soomaali joogtay aad ayaa loogu farxay, soo dhawayn uusan wali qof Soomaali ahi helin ayuu helay. Sababtii loo taageerayna waxay ahayd baahidii dowlad-nimada loo qabay. Nin kamid ah raggii u ololeynayey C/Laahi Caddow ayaa igu yiri, waa nalaga adkaaday laakiin C/Qaasim waa Madaxweynihii Soomaaliyeed, maadama ay Soomaali dooratay. Taariikhyahan Soomaaliyeed ayaa igu yiri: waan taageersanahay Madaxweyne-nimadiisa taasna macnaheeda ma’ahan inuu Soomaali ugu fiican yahay, ee waa Soomaalidii Jabuuti joogtay oo anaga wakiilka naga ahaa ayaa doortay.

Markaan Tagay Madaxtooyada C/Qaasim.. GUJI

Mar’aan ku booqday Madax-tooyadiisa Muqdisho, ayaan ku weydiiyey goortii ay ku dhalatay inuu isu sharaxo madaxtinimada Soomaaliya, wuxuu iigu jawaabay: dad aan saaxiibo nahay ayaa igu qanciyey inaan is sharaxo. Halagu dhaliyo ama isaguba saaxiibadiis haku dhaliyo wuxuu ku guuleystay inuu helo guushii. Booqashadiisii ugu horeeysay ee ku yimaado Muqdisho ayuu kula kulmay waxgarad Soomaaliyeed oo Qabiil kasta leh. Hadaladii lagu yiri waxaa kamid ahaa: C/Qaasimow laan dheere ayaad tahay maanta, waxaan kaaga digaynaa inaad noqoto laan gaab, iyagoo ka waday nin qaran ayaad tahay ee nin qabiil hanoqon.

QOF AHAAN:

Shakhsiyadiisa dadkii yaqaanay waxay yiraahdaan: waa nin aftahan ah, hadalka toosin kara, jecel in qofka intuu la joogo uusan ku caroon, isku daya inaad ku qanacdo fikradihiisa, hadaad carootana kuu muujinaya inuusan kaa daba carooneyn. Laakiin fudfudud, oo go’aannada  degdeg ku qaata, Fulay ku ah talaabada uu qaadayo. Jecel iney tiisa meel marto.

LAMOOD NOQONSE WAA:

Waxaan kamid ahaa dadkii diidanaa in laga horyimaado dowlada uu isagu madaxda ka ahaa. Waxaana wakhti badan iyo qalin badan ku bixiyey in la garab istaago dowladdaas Carta lagu soo dhisay, waxaan qoray maqaallo farabadan ooy gunteydu ahayd in aan maanta Soomaali la sii burburin, oo haddiiba ay Soomaali maanta tiri hebel baa noo ah Madaxweyne inaan laga hor imaan ee la toos-toosiyo.

Khudbadii madaxweyne Ismaaciil Cumar Ku furay Shirweynaha Carta ee Nabadda SoomaliyeedJabuuti, 2/5/2000
Guji

Marka aan damco inaan isku eedeeyo maxaad u difaacday nidaam uu horboodayo C/Qaasim, waxaan nafteyda ku qanciyaa, inaanan ka aragti dheereyn bulsha-weyntii Soomaaliyeed ee sida buuxda ugu faraxday, iyagoo islahaa baahidii dowalad-nimo jidkii loo mari lahaa ayaa kan ah. Sidoo kale waxaanan ka garasho dheereyn Mudane Geelle oo isagu yiri: C/Qaasim waa ninkii maanta Soomaali badbaadin lahaa. Waxaa munaasab ahaan lahayd in la weydiiyo Geelle inuu sidaas hadana dhihi lahaa maanta!!. Laakiin jawaab anaa hayoo Mudane Geelle oran maayo sidaas. Maxaa yeelay dantuu lahaa waxay ahayd, inuu arko walaalihisii Soomaaliyeed oo dowlad ah, si ay garab ugu noqdaan Jabuuti. Laakiin dantiisu ma’ahayn inuu arko C/Qaasim oo shirarka Caalamiga ah ka qayb galaya oo kaliya.

Dowladdii Carta lagu soo dhisay waxay awoodi weysay iney hanato hal gobol oo dalka kamid ah. C/Qaasim iyo hoyga uu dagan-yahay ee uu ka soo dhaho, waxaan ahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya, sida uu yahay gurigaas, waxaad kaga bogan kartaa inaad akhrido maqaalkii aan ka qoray gurgiisa ee cinwaankiisu ahaa (MARKAAN TAGAY MADAXTOODAYA C/QAASIM). Inuu nabad-galyo wax kaqabto iskadaayee isaga ayaa dhawr jeer ku sigtay iney tii alle u timaado oo naftiisa la toogto. Meeshii aan ka filaynay inuu dhiso ciidan qaran oo uu dalku leeyahay, nasiib-xumo waxaan aragnay wiilashii waardiyihiisa qaabilsanaa oo gadooday, haddii la weydiiyey cabashadoodana waxay noqotay waxaan cunno ayaan weynay!!.

Haddaan islahayn dowladiisu waa dowlad dib-u-heshiisiineed waxaan aragnay  iney talabooyinkii ay martay ee kala ahaa: Gudigii loo dhisay iney noqdaan gudiga dib-u-heshiisiinta ee madaxda looga dhigay C/Risaaq X.Xuseen inuu ka cudurdaarto qabashada jagadaas. Xaaji Zoobana ay tii rabbi utimid. Sidaasna uuba gudigii ku dumay. Kuwii dowladda soo galayna sida Qanyare oo noqday Wasiir ka tirsan dowlada, isaguna, wuxuu isku hasytay jagadiisii Wasiirnimada, ciidamadiisii u gaarka ahaa, iyo meelihii uu sida goonida ah u xukumay. Waxaadna moodaa in Qanyare fahmay in dowladda uu kubiiray ee uu wasiirka ka noqday, iyo inuu siduu awal ahaa iska sii ahaado aysan iska hor imanayeyn. Malaha C/Qaasim ayuu sidaas ka dareemay.

WAXA DHACAY MA OGTAHAY:

C/Qaasimow waxaan ka xumahay inaan kuu sheego in dowladaadu ay noqotay dowlad magaca ka qurxan, laakiin ka itaal xun Qab-qablaha ugu awooda yar Soomaaliya. Waxaan ku farxay markii la iiga sheegay in adigoo jooga golaha Baarlamaanka K.M.G.ah uu Mudane Xildhibaanada kamid ahi kugu yiri: Waxaan arki jirnay dowlad lagu dhago oo loo soo  kala ordo, laakiin dowladaadu waxay noqotay tii ugu horeysay oo la arko nin kamid ah oo ka cararaya oo leh dowladdii waan ka baxay, waxaana kugula talinayaa inaad is casisho. Waxaadna ugu jawaabtay: Xildhibaan hadalkaaga waxaan u qaadanayaa Nasteexo una qaadan maayo colaad, waayo hadalka horteyda ayaad ka tiri. Su’aasha maanta taalse waxay tahay: talaadaas maxaad u qaadan weysay?.

Cabdi Qaasimow Dowladaada oo kaliya ayaa aduun-yadu lagu arkay, Wasiirro jiifa Hoteelada xaafadda Islii, waliba aan ogahay qaarkood in laga bixinayo. Dowladdaada kaliya ayaa lagu arkay G/Barlamaan oo kaligiis lugaynaya. Madaxdii dowaladaada qaarkood waxay awoodi waayeen iney iska bixiyaan kiradii guryahii ay ka daganaayeen Xamar, qaarkood waxaa la ogyahay ineysan ilaa hada iska bixin lacagtii lagu lahaa.

Marka aan arimahaas ku weydiinayo lama yaabani raggan dhibta dhaqaale ku dhacday, laakiin waxaan la yaabanahay dhaqaalihii aad ugu horeynba magacooda ku soo heshay iney duruuftooda nololeed xitaa wax ka badasho ma u suuragaliweysay.

HAL BACAAD LAGU LISAY:

Aad baan ugu farxaa markaan kugu dhex arko adigoo dhex fadhiya shirarka caalimagi ah. Adigoo uu ku horyaalo calankii Soomaaliyeed, waliba waxaan jeclahay sida aad carabigu u taqaan, ee aad khudbadaha dhaadheer ugu akhriso. Waxaan is arkaa anoo muusoonayo markaan arko adigoo madaxweyne hebel la fadhiyo, dhab iyo khiyaali key ahaataba sidii nin guul weyn gaaray baan dhahaa wakaas madaxweyne-heenni boqor hebel salaamay, wakaasooyoo maanta ka khudbeynaya xaruntii UN.ta. Haddiise maskax-deydu khaldanto oo ay i dhahdo: war waxaad fiirineyso waa dhaan-dabagaale, waan  canaantaa.

Waxaanse kaa naxaa marka aan eego Madaxwey-nayaasha aad ag fadhido dalalka ay ka yimaadeen, iyo dalka aad adigu ka timid. Waxayse murugo idishaa markaan ogaaday sida ay madaxdii aduunku uga xishoodeen iney kugu dhahaan: Anaga ciidanka na ilaaliya mishaarkooda waxaa laga bixiyaa miisaaniyada dalka, adigana jeebkaaga ayaad ka bixisaa mishaarkooda, ee fadlan haka soo qayb-galin shirarka.Waxaa iiga sii daran anigoo ku sigta inaan Soomaali-nimadaba inkiro markaan arkay inaadan su’aalo badan isweydiineyn ka hor intaadan ka qayb galin shirarka qurxda badan ee dunida ka dhaca.

WAX TARKAAGII:

Cadaaladda anagoon ka fogaaneyn waxaan kuu qirsanahay inaad qabatay hawlaha soo socda:

In muuqaalkii magaca Soomaalida uu dib usoo noolaaday gudaha iyo dibadaba. Walow taas sharafteeda uu si weyn kuula wadaago Mudane Geelle, maadama uu isagu meel walba xoog iyo xeeladba kugu geeyey.

In aad si qiime leh u difaacday buun-buuniskii uu Maraykanku waday, inuu sabab uga dhigto duulaan uu ku soo qaado Soomaaliya, isagoo ku andacoonaya Argagixiso ayaa Soomaaliya joogta. Waxaa cad taas inaad go’aan sharaf leh ka qaadatay.

In aad ku guulaysatay adoo meelo kale kaalmeysanaya in arinta Soomaaliya aysan u gaar noqon Itoobiya ee ay IGAD la wareegto.

Inaad dudumisay guryihii sida sharci darrada ahaa looga dhistay barxaddii Tarabuunka.

SU’AALAHAN KA JAWAAB:

Waxaad isku daydaa inaad shacabka Soomaaliyeed uga jawaabto Su’aalahan farahabadan.

Intii aad xilka haysay sadex R/Wasaare ayaad isku kala badashay. Keebaad adigu ka saxsanayd? Keese kaa saxsanaa?.

Lacag farabadan ayaad aduunka kaga heshay magaca Soomaalida iska daa inad gobolada u kala qaybisee! Hal iskuul ama hal Isbitaal ma dhistay? Haday dhistay magacii Isbitaalkaas ama Iskuulkaas? .

Xubnaha dowaladaada laga soo bilaabo Madaxweynaha ilaa ninka ugu darajo hooseeyaa mishaar miyey ka qaataan dowladaada? Haddey mishaar qaataan waa imisa mishaarkoodu?

Su’aalahaas hadaad jawaab u hesho, ayna noqdaan jawaabo lagu qanco, waxaan ogolaanayaa iney kugu soo dhici karto inaad tartanka soo gasho.

GUUBAABO:

Talada ugu wanaagsan ee hadda kula gudboon, ahna wadada ugu fiican oo aad taariikh taabba gal ah ku yeelan kartid, wixii aad gashayna lagu iloobayo waa: Adigoo meel fagaara ah ka dhaha xilka Soomaaliya waan ka tanaasulayaa, waxaana u banaynayaa qofkii ay Soomaali soo doorato. Taas hadii aad ku dhaqaaaqdo, laba qodobba in lahelo hubaal bey u dhaw dahay. Tan koowaad:  in Soomaali ay degdeg u heshiin karto, isku tanasul miro dhal ahna uu iman karo, iyadoo adiga lagaaga dayanayo. Tan labaad in xiliga labaad haddii aad isa soo taagto ay Soomalidu si ka qurux badan tii Carta kuu dooran doonto. Haddiise aad taladaas iga diido: waxaan ogahay, anna nimaad katala diiday uguma aan horeyn. Adna nin tala diiday uguma aad horeyn.

Faylasuuf Soomaaliyeed ayaa yiri : Soomaali maanta waxaa horyaal laba barnaamij iney kala doorto.

Nin leh: Idooro aan ku dilee. Iyo

Nin leh: Idooro aan ku dayacee.

Hadaba C/Qaasim haddii la eego sidii uu u dhaqmay intii uu D.K.G.ah Madaxweynaha ka ahaa, wuxuu soo galayaa qolada leh. IDOORO AAN KU DAYACEE. Hadaba Soomaali ayey u taalaa iney sidaas ku dooran doonto marlabaad iyo in kale.

ODOROS:

Haddii shirkan ay doorasho ka dhacdo, C/Qaasimna isa soo rashxo, uuna ku guuleysan waayo inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, waxaan isugu hanbalyeyn-doonaa in dantii aan qoraalkan kalahaa aan ka gaaray. Haddiise uu ku guuleysto, waxaan ogaan doonaa in C/Qaasim uu lacag badan ku gatay damiirkii dadka.

Dagaal-ooge kamid ah kuwa jooga shirkan ayaa yiri: C/Qaasim markuu yimaadana xafladii aan lacagta doorashada uga qaadan lahayn ayaan u dhigaynaa, marka dowlada la dhisana xafladii tacsida ahayd ayaan u dhigaynaa. Maxaa yeelay madaxweyne Soomaali  heli mayo hadeer.

Aniguse labadaas xafladoodba midna ka qayb gali maayo.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

July 10, 2004

Isha: SomaliTalk.com

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post