894 Views

Madaxda Dalalka IGAD oo shir ka yeelanaya xaalada Cudurka Coronavirus

Madaxda Dalalka IGAD oo shir ka yeelanaya xaalada Cudurka Coronavirus
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  isiniin    , March 230, 2020 —Madaxda wadamada IGAD ayaa la filayaa inay kulan Gelinka dambe ee Maanta ka yeeshaan sida looga hortegi karo faafida cudurka Coronavius oo dad badan ay ugu dhinteen dalalka yurub iyo Mareykanka kuwo kalena ay la jiifaan.

 

Kulankaan oo u qabsoomi doona ham muuqaal ah (Vidio Conference) ayaa waxaa hagi doonaa Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD,isaga oo ku sugan Xarunta IGAD ee dalka Jabuuti,waxaana Madaxda IGAD ay ka hadli doonaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen ka hortaga faafida cudurka COVID 19 iyo kordhinta dagaalka ay kula jiraan.

 

 

 

Kulanka oo hab muuqaal ah ayaa waxaa ka qeyb-geli doona madaxda,dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda , Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Suudaan,,waxana kulanka oo furmaya gelinka dambe ee Maanta haatan socda u diyaar garoowgiisa.

 

Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed oo qadka taleefoonka dhawaan kula xiriiray Madax uu kamid yahay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku booriyey inay yeeshaan kulan ay uga hadlayaan xaalada Coronavirus si ay tallaabo u qaadaan.

 

Qaar kamid ah wadamada IGAD ayaa laga helay kiisas kamid ah Cudurka Corona,waxaana dalalkaas kamid ah,Kenya,Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti,iyada oo ay socdaan qorshoyin looga hortagayo in uu Cudurkaas ku faafo dalalkaas

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment