933 Views

Hay’adda PSF oo mar kale ku celisay in aysan aqoonsanayn xilka qaadistii Madaxweyne Deni ku sameeyay Agaasimaha PSF

Hay’adda PSF oo  mar kale ku celisay in aysan aqoonsanayn xilka qaadistii Madaxweyne Deni ku sameeyay Agaasimaha PSF
____________________________________________________________________________

Sabti: November 27, 2021

Hay’adda PSF ayaa maanta mar kale ku celisay in aysan aqoonsanayn xilka qaadistii Madaxweyne Siciid Deni ku sameeyay Agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Cabdullaahi Diyaano.

Shir jaraa’id oo ay qabteen saraakiil ka tirsan PSF ayay ku sheegeen in aysan waxba iska beddelin mowqifkii hay’addu kaga hortimid xilka qaadistii uu sameeyay Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale saraakiisha PSF ayaa faahfaahiyay sababta ay uga soo baxeen difaacyada Galgala.

Warkan ayaa ku soo beegmay saacado kooban kadib markii mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ka codsadeen Agaasimaha PSF in uu xilka wareejiyo.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post