954 Views

Madaxweyne Cumar Xasan AL-Bashiir oo loo gacan gelinayo maxkamadda ICC

Madaxweyne Cumar Xasan AL-Bashiir oo loo gacan gelinayo maxkamadda ICC
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 12, 2021

Wasiirka Arrimaha Dibedda Sudan Mariam al-Mahdi ayaa maanta sheegtay in madaxweynihii hore ee dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir iyo saraakiil kale loo gacan gelin doono Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC), oo u dooneysa dambiyo la geystay intuu uu socday dagaalka gobolka Darfur. 

Al-Bashir oo 77 jir ah ayaa maxkamadda ICC waxay dooneysay in ka badan 10 sano, ayada oo loo haysto eedeymo ay ka mid yihiin xasuuq, dambiyo dagaal, iyo dambiyo ka dhan bani’aadaminimada oo ka dhacay gobolka Darfur. 

“Golaha Wasiirada wuxuu go’aansaday in saraakiisha la doonayo loo gacan geliyo ICC,” ayey Mariam u sheegtay warbaahinta dowladda, ayada oo aan shaacin xilliga. 

QM ayaa sheegta in 300,000 oo qof lagu dilay, 2.5 milyan oo kalena lagu barakiciyey dagaalka gobolka Darfur, oo qarxay sanadkii 2003.

https://087e71c9308148729797262301bd5060.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Al-Bashir oo mudd ka badan 30 sano xukumayey Sudan kahor inta aan kacdoon dadweyne lagu ridin 2019-kii, ayaa wuxuu ku jiraa xabvsiga sida aadka ah loo ilaaliyo ee Kober ee magaalada Khartoum. 

Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ee fadhigeedu yahay Hague ayaa amar lagu soo xirayo Al-Bashir soo saartay 2009-kii, ayada oo ku eedeysay dambi dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada oo ka dhacay Darfur.

Waxay sanad kadib soo saartay amar xiritaan oo kale oo la xiriira xasuuq, hase yeeshee Al-Bashir ayaa iska indho tiray, wuxuuna si joogto ah ugu safri jiray dibedda.

Go’aanka Sudan ay ugu Al-Bashir ku dhiibeyso ayaa yimid ayada oo dacwad oogaha ugu sarreeya maxkamadda ICC Karim Khan uu booqanayo Sudan.  

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post