1332 Views

sida gargaar oo ku wajahan magaalooyinka kamid ah dalka

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 05, 2019–Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay diyaarado gargaar sida u direysaa Magaalooyin kamid ah dalka,halkaas oo ay saameeyeen dadkii ku nool fatahaadaha Wabiyada iyo Roobab daadad wata oo ka da’ay qaar kamid ah gobolada dalka.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Diyaaradaha ugu badan Maanta tegi doonaan Baladweyne iyo Baardheere oo ay ka fatahaeen Wabiyada Shabeelle iyo Jubba iyo Magaalada Baydhabo si loo gaarsiiyo dadkii ka barakacay daadad ka dhashay Roob ka da’ay degmada Bardaale.

 

Wasiirka waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Diyaaradaha ay sidaan in ka badan 42 Tan,si loo gaarsiiyo dadka ay saameeyeen fatahaadaha,sidoo kalena uu gurmadka ka socdo deegaannada ay ku barakaceen.

 

Gargaarka ay Maanta dowladda Soomaalkiya u direyso Magaalooyinka, Baladweyne, Baydhabo iyo Baardheere ayaa waxaa ku deeqay dowladdo ay kamid yihiin turkiga iyo Qatar.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment